Home Afsomali Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo turkiya oo wadahadal gaarka ka yeeshay arimaha labada...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo turkiya oo wadahadal gaarka ka yeeshay arimaha labada dal ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweyne Erdogan ayaa si laab furan ah u soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, waxaana si wada jir ah ay salaan uga qaateen Ciidamada, waxaana Madaxweynaha loo garaacay astaanta Qaranka.

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid khaas ahaa ayay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo labo geesood ah, kaasoo Soomaaliya iyo Turkiga ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxiixan doonaan Ankara.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa ah tii u horeysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii xilka Madaxtinimada uu ku guuleystay horaantii bishii February ee sanadkan.

Dhamaad


 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.