Qarax Gaari ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.
Ugu yaraan 7 Qof ayaa ku dhimatay in ka badan 11 kalena wey ku dhaawacmeen Qaraxii ka dhacay ka soo horjeedka Maqaayadda Italiano Ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayeey goob joogayaal sheegeen in loo adeegsaday gaaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadan oo magaceeda la yiraahdo Italian Coffe.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka qaraxa loo adeegsaday, hasse ahaatee markii uu qaraxa dhacay ayaa la sheegay in maqaayadu aheyd mid siweyn u camiran oo ay fadhiyeen dadka kala duwan.
Sida ay somalisan u qajiiyeen ilo wareydyo kalau kalsoon yahay qaraxan waxaa la la beegsaday laguna dilay Gen.Cabdi Bashiir Aadan oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka dowlada horayna usoo maray abaanduuleyaashii talisyada ciidanka xooga.
m,eydka janaraalka dhintay ayaa gaadiidka gurmadka deg deg ah waxay galiyeen xarunta Vila somaliya ee madaxtooyada dalka
Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jira bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa somalisan u sheegay Qaraxan in uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad halkaasi ku sugnaa.
Ilaa hada lama oga Qaraxan in uu ahaa mid Ismiidaamin ah, iyo in uu ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo halkaasi la soo dhigay.
Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadayaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen wadada, iyaga oo dadka u diidaya goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0