Home Afsomali Ceelwaaq Alshabaab taangiyo wato oo isu ekeysiiyey AMISOM ayaa weerar ku ceyrsaday...

Ceelwaaq Alshabaab taangiyo wato oo isu ekeysiiyey AMISOM ayaa weerar ku ceyrsaday ciidamadii Dowladaha kenya iyo Soomaaliya

ceelwaaq

Al-Shabaab ayaa Xili danbe oo habeen ah  weerar abaabulan si gaadmo ah ugu qaaday degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo , halkaasi oo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo garabsanayey kuwa kenyaan ah .

ciidamada soomaalid ah ayaa ahaa kuwii corneyl barre aadan shire hiiraale oo ay beeshiisu ugu badneyd

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay isu ekeysiiyeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Gaar ahaan kuwa ka socda dalka kenya .

Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Ceel Waaq ee Gedo , sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan duleedka magaalada Ceel Waaq ee ka cararay dagaal ka qarxay degmadaasi.

waxaa la sheegay in ay wateen gawaarida gaashaaman ee AMISOM sida taangiyada iyo beebayasha ay hore ugau qabsadeen dagaalo ka dhacay gobolka gado mid ka mid ah alshaabka dhashadiisuna tahay kenyaan ayey u suurta gashay in uu iska dhigo taliye AMISOM ah wuxuuna toos u galay dagmada ceelwaaq ka dibna amar ku siiyey ilaaladii ciidamada dowlada in uu isugu yeero dhamaan taliyayasha iyo saraakiisha magaalada ku sugan .

Amarkii taliyaha AMISOM 2 ayaa halkaa ka hirgalay waxaana isu yimid madaxdii ciidamada dowlada iyo ciidamadoodii xili aysan ogeyn in ay u gacan galeen koox alshabaab ah .

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, sidoo kalena uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

sida wararku sheegayaan halkaa ayuu ka bilowday dilka askarta iyo saraakiisha is kugu jirtay kenyaan iyo soomaali waxaana baqa carar ay ku talaabeen xaduud beenaadka dhulka N.F.D

weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihin halkaasi.

Kornel Warfaa oo ka badbaaday weerarkaasi kana tirsan kana tirsan Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegeen in ay jiraan khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaliya.

 

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya aysan haysanin taageero Militari oo ay iska difaacikaraan ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degmada Ceel Waaq ayna ciidamadoodo maamulaayaan goobihii ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab kusoo qaadeen dagaal xooggan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel Waaq.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in ay dayaceen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.