NUSOJ ma Dooneyso Aqoonsi Afka Baarkii ah !!
Maanta oo Bishu tahay 17 May 2017 waxay ku beegan tahay Sannad Guuradii 1 aad markii dib loo habeeyey Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) Dibna loogu doortey Hagaan Cusub waxaana Xoghaye Guud loo doortey Maxamed Ibarahim Macalimuu ayna Doorteen 180 Ergo oo ka kala socotey Qaybaha Warbaahinta dalka
Hadaba Sannad Ka dib weli waxaa jira Caqabo la soo Dersay Ururka NUSOJ oo ugu horeeyo in Dalka ay ka shaqeeyaan Laba garab oo NUSOJ ah Taasi waxaa ka marqaati ah Xafladii loo dhigey Maalintii Saxaafada Xorta ah ee 3-da May oo lagu kala qabsadey Laba meelood oo Muqdisho ku yaal
Waxaa kale oo Caqabadahaas ka mid ah in iyadoo la ogyahay in Dowlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta ay Ururka NUSOJ u aqoonsan tahay in uu Xogahaye uu ka yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu in Magaalada Muqdisho lagu qabsado Simnaaro iyo Tababaro
Waa Ayaandaro 17 May 2017 oo ah markii dib loo habeeyey Ururka NUSOJ in Garab kale oo NUSOJ ah sheeganaya ah uu maanta Saxafiyiin Soomaali ah u qaado Dalka Dibadiisa sidaa Darteed la yaab bay igu noqotey in iyadoo Joogto Wasaarada Warfaainta iyo Hay’adii kale ee Fulinta ee Dowlada in weli ay Muuqato Saansaantii Xiligi Fowda iyo kala dameyn la’aan in Amarkii Maxkamada Sare uu Shaqeyn waayo oo wixii la doono la sameeyo Taasoo Jilaafo ku ah Wasaarada Warfaainta murana Gelineysa Sharcinimadeeda
Ugu Dambeynti waxaa ii Muuqda in uu jiro Tuhun ah in aysan daacad ka hayn Howshii loo igmadey Wasaarada Warfaainta oo ahayd inay ka dhabeyso taageeradii hagar la’aaneed ee ay u fidisey Ururka NUSOJ oo weliba la ogyahay in Aqoonsi Buuxa uu ka haysta Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha haddi kale arrinta waxay u muuqata
a aqoonsi afka Baarkiisa ah, waxayna qabaan inta badan Warbaahinta Soomaaliyeed in Wasiirka Warfaafinta Inj. Cabdiraxmaan Yariisow uu is Casilo maadaama uu ku guul dareystey Wax a qabasha la’aanta ay tabayaan Warbaahinta Soomaaliyeed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Qoraalkaan masuuliyadiisa waxa leh qoraha ku saxiixan.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view