Warar naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad kooban uu halkaa ku dhaxmaray ciidammada xasilinta caasimada iyo rag hubeysan oo ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda kuwaa oo ka biyo diiday hub ka dhigis la doonayay in lagu sameeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday qorshe lagu xasilinayo amniga caasimada, waxaana arintaa loo asteeyay in ay ka howlgalaa ciidamo gaar ah kuwaa oo amar buuxa lagu siiyay in ay hubka dhigaan cid kasta oo aan ka tirsaneyn ciidamada gaarka ah sugida amniga caasimada oo hub sidata.
Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in gadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada xasilinta caasimada ku amreen in ay hubka dhigaan rag hubeysan oo mararayay agagaarka Suuqa Weyn ee degmada kuwaa oo la sheegay in ay rasaas ku jawaabeen taasoo qal qal iyo baqdin ku abuurtay dadka rayidka ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in markii danbe ciidamada gacanta ku dhigeen mid ka mid ah hubkii uu sitay ragga dagaallamay, halka mid kalana la sheegay in uu baxsaday.
Shir gollaha wasiirada ay ku yeesheen dhawaan magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in aan la ogoleyn in hub lagu dhax sito caasimada marka laga soo tago ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay in ay amniga sugaan, halkaa mas’uuliyiinta dowladdana la faray in aysan isticmaali karin wax ka badan afar askari oo ilaalo ah
Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in arrin sax ah aanay aheyn in dad gaar ah hubka laga qaado, naftoodana halis la geliyo, iyadoo Al-Shabaab ay wali hubeysan yihiin.
Axmed Daaci ayaa sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo in Al-Shabaab hubka ka dhigto, isagoo xusay in hadii dadka heysta qorigii ay amnigooda ku sugayeen laga qaado si kale loo fasiranayo.
“Waxaa ognahay in dowladda aysan laheyn xeryo hubka lagu uruuriyo, ninka qoriga amnigiis ku sugaya hadii inta gurigisa isagoo u socda wadada loo galo, qorigana laga qaado, Shabaabna uu jidka u joogo oo uu dilayo, arrintaas sax ma ahan”ayuu yiri Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa sheegay in Gobolka Banaadir kaliya ay ka jirto, in qof qori heysta oo amnigiisa ku sugaya in laga qaado, balse aanay gobolada kale la qabin.
“Gobolka Banaadir kaliya ayay arrintan ka jirtaa, gobolada kale nalama qabaan, sax ma ahan, in qori meel laga qaado, qoriga shabaabka uu yaalo, hadii arrintan tahay shaqo ogaal darro ku timid iyo arrin ujeedo gaar ah laga leeyahay aniga ma sheegi karo”ayuu yiri Axmed Daaci.
“Waxaa ka codsanayaa dowladda in la qabto qoriga tuuga wato iyo kan shabaab wato, laakiin midkii amniga lagu sugayay hadii la qabto sow ma ahan in siyaasiyiinti iyo dad kale naftooda halis la gelinayo, laakiin hadii hubka yahay sharci darro ayaa la rabaa in la qabto, balse hub sharci ah in la qaado sax ma ahan”
Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray go’aano lagu sugayo amniga Muqdisho, kaasoo ay ka mid tahay in aan la ogoleyn in Afar AK47 wax ka badan aan lagu ilaalin karin gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta iyo in cidii lagu arko hubka waa weyn laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay hub ka dhigis ku sameeyay mas’uuliyiin iyo dad kale oo Muqdisho ku watay hubka waa weyn.
dhanka kale Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameynayaan gudaha Magaalada muqdisho kaas oo looga soo horjeedo ciidamada dowladda ee Hubka culus u dhexwata gudaha Magaalada muqdisho.
Sarkaalka ayaa sheegay in deegaanka ay iyaga ku sugan yihiin iyagoo farabadan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Somaaliya aan lagu xadgudbi Karin islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay iska celiyan cid walba ee iskudayda in ay hubkooda ka qaada.
Sidoo kale waxa uu hadaliisa intaas ku daray in aysan suurtagal aheyn in hubka laga qaado amaankoodana uu yahay m id halisgeli kara islamarkaana aysan jirin cid damaanad qaadeysa amaankooda taasna ay micneheedu tahay in Al-Shabaab lala shaqeynayo sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view