Home Afsomali Dhageyso : caruur nafaqo daro iyo gaajo ugu Geeriyootay Qeybo ka tirsan...

Dhageyso : caruur nafaqo daro iyo gaajo ugu Geeriyootay Qeybo ka tirsan Gobolka Banaadir

Masuuliyiinta Degaanka Garasbaaley ayaa sheegay caruur tiradooda ay gaareyso 92 in maalmihii la soo dhaafay ay u geryoodeen xaalad nafaqo daro iyo gaajo isugu jirta, taasi oo ku heysata xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaalla Degaanka Garasbaaley.

Guddoomiye ku xigeenka Degaanka Garasbaaley Cali Xasan Cali oo  saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in 92 caruur ah ay geeryoodeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye ku xigeenka qaar kale oo badan in nafsadooda ay halis ku jirto hadii aysan helin gurmad deg deg ah.

Degaanka Garasbaaley ee Duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo barakacay Qoysas aad u fara badan, kuwaasi oo ka soo barakacay Abaarta xoogan ee ku dhufatay Gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.