Deeqda la gaarsiiyay xabsiga dhexe ayaa isugu jirtay raashiin, dhar iyo shan halaad oo geel ah taas oo loogu talagalay in lagu afuriyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe, iyada oo sidoo kale la gaarsiiyay dhar loogu talagalay in ay ku ciidaan maxaabiista.
C/llaahi Nuur Cismaan Madaxa hey’adda Hormuud Foundation ayaa saxaafadda u faahfaahiyey Deeqdan iyo waxa ay ka koobantahay, “waxaan maanta halkan ku wareejineynaa Raashi ka kooban; 200 loor Bariis ah, 100 Bur ah, 100 Sokor ah, 5 jawaan oo caleen Shaah ah, 10 Kartoon oo Cabitaan ah & dharkii ay ku ciidi lahaayeen dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe oo isugu jira Rag & Dumarba”.
Taliyaha ciidamada asluubta ayaa General Xuseen Xasan Cismaan ayaa aad u bogaadiyay deeqdan ka timid shirkadda isgaarsiinta Hormuud, iyaga oo ku ammaanay garab istaagga had iyo goor ay shirkaddu u sameyso maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe.
Xoghaya joogtada ah ee wasaarada caddaalada Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii guddoontay deeqdaasi ayaa u mahadceliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud isaga oo tilmaamay in deeqdan lasoo gaarsiiyay xabsiga dhexe ay tahay mid ay ugu baahnaayeen maxaabiista ku xiran xabsiga.
Sidoo kale hay’adda Hormuud Telecom Foundation, waxa ay timir iyo deeq lacageed gaarsiisay qoysaska naafada ciidamada xoogga dalka ee ku nool isbitaal martiini ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka naafada ciidamada xoogga dalka Sheekh C/llaahi ayaa ka mahadnaqay deeqdan shirkadda Hormuud ay maanta soo gaarsiisay.
Deeqdan Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay gaarsiisay xabsiga dhexe iyo isbitaalka martiini ayaa qeyb ka ah deeqa shirkaddu ugu talagashay in bisha Ramadaan ay ku taageerto dadka u baahan caawinta ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view