Home Afsomali Dowlada oo sheegtay in Weerarkii  ee Pizza House la soo Afjaray...

Dowlada oo sheegtay in Weerarkii  ee Pizza House la soo Afjaray ( DAAWO SAWIRADA )

illaa iyo 5 nin ayaa lagu sheegay ragga hubaysan ee Gudaha u galay Maqaayadda, kuwaasoo isticmaalayay Qoryaha Fudud iyo Bam Gacmeedyo. waxayna raggan intooda badan hadda u muuqdaan inay dhinteen. iyadoona goobta laga soo saaray Dhaawacyo iyo dad bad qaba.

Ciidammada sida gaarka ah u Tababaran ee GAASHAAN ayaa ku guulestay inay soo Afjaraan weerarka Argagixisada ay ku qaadeen Maqaayada Pizza House.

Maydka nin shaqaalo Suuriyaan ahaa oo Pizza House laga helay. Dhamaan dhisnaha was dumay ayaa la leeyahay, rasaasti was istaagay Maydadka badan ayaa laga cabsi qabaa inay gudaha Ku jiraan. Salaamaad. Xuquuqda 

Waxaa la arkayay dad badan oo dhaawacyo qaba oo Ciidammadu ay ku guuleysteen inay ka soo saaraan Goobtaan markii la soo afjaray Weerarka.

Sidoo kale Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA ayaa indhihiisa ku arkay Lix Gabdhood oo Halmeel kuwada dhintay, kuwaas oo Saddex ka mid ah ay wada dhasheen.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in 18-Qof ay ku dhinteen Weerarkaan sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 19-ruux oo kale kuwaas oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo ku nasanayay halkaas.

Gabadhan waxaa lagu magacaabaa iftin

Laba gabdhood Oo ladhalatay waxa ay xalay ku geeriyoodeen weerarkii pizza house Iyadana waa dhaawac

Waxa ay halkaas utageen iney ku afuraan ku nastaan kuna sheekeystaan balse musiibadaas Oo uqorneyd ayey lakulmeen

4 gabdhood oo walaalo ah oo mid ka mid ah dhaawac ah. ayaa ku dhintey weerarkii xaley ee pizza House

Allow samirka u adkeey waalidkii iyo ehelkii ay ka baxeen guud ahaan dadkii ku waxyooloobey.goobtaasi

Weeraradii xalay ka dhacay Pizza House iyo Posh Treats ayaa waxaa ku dhintay 18 qof illaa 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Maalmihii la soo dhaafay Ammaanka Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo Kontaroolada iyo Isgoysyada la soo buux dhaafiyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo baaritaanno ku hayay Gaadiidka iyo Shacabka.

Ogow Ciidamada dhaq dhaqaaqyadaasi ay ka wadeen dhammaan waddooyinka iyo Kontaroolada Muqdisho ma lahayn waqti cayiman xittaa Habeenii xilliga Saxuurta haddii aad marto waddooyinkaasi iyagoo heegan ah ayaa lagu arkayay.

Sidaas daraadeed Bulshada Muqdisho ayaa isweydiinaya sida Rag hubeysan iyo Gaari Walxo Qarxo laga soo buuxiyay oo wararka qaar ay sheegayaan in Raadad Safar cusub uu ka muuqday oo Magaalada ay uga soo galeen xagga Gobollada ay ugu suura gashay in weerarkaas ay fuliyaan.

Ku darso Xisaabta in Ciidamada Darees u gaar ah loo sameeyay , Ruqsadna ay u heysteen Xittaa Ciidamada kale ee dowladda in ay hubka ka dhigaan iska daa dares aan kooda ahayn cid sidata , haddii Dareeskooda la isticmaalayna kumaba sii jirto.

Hadaba intaas oo dhan marka la isku soo xooriyo , waxaa looga fadhiya Hay’adaha sar sare ee dowladda tallaabada ay ka qaadan doonaan Saraakiisha masuulka ka ah dhammaan isgoysyada soo gasha meesha la weeraray , Kontaroolada Afgooye iyo Balcad iyo sida ay ku heleen Dareeska Ciidamada oo warar aan rasmi ahayn sheegayaan in ay siteen Dareeska Ciidanka Xasilinta Caasimadda.

FG:-Dowladda waxa ay horay u sheegtay in Qorshayaasheedu kuwaad ka mid tahay Isla Xisaabtan.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.