Ciidamada Midowga Afrika ee ka hawlgalaya Soomaaliya ayaa maanta baneeyay dhismihii jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr, halkaas oo saldhig milatari u ahayd tobankii sano ee la soo dhaafay.
Munaasabad lagu qabtay gudaha dhismaha Jaamacadda ayaa si rasmiya waxa loogu wareejiyay dawladda Soomaaliya, iyadoo maamulka Jaamacadda Ummadda uu balanqaaday in dib loo dhisi doono, islamarkaana ay waxbarashadu dib uga bilaaban doonto.
Jaamacadda ayaa ku burburtay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay iyadoo lahayd ilaa todobo xarumood oo kan maanta la wareejiyay uu ugu weynaa. Waxaa jamaaacadda dib loo furay bishii August ee 2014.
Weriyaha BBCda Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo maanta booqday dhismaha ayaa sheegay inuu arkay dhismayaal burbursan oo daaqadahooda la galiyay jawaano ciid ah si dhufeys looga dhigto, dhul keyna oo aad moodo inaan sanado badan la marin iyo difaacyo qoryo ku rakibanyihiin
Dhisamaha ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa lagu sheegay 913,500 oo mitir isku wareeg ah kaasoo muddo ku siman toban sano saldhig milatari u ahaa ciidamada Midowga Afrika ee dalka Burundi.
Madaxa hawgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay in dhismaha jaamacadda ay ku wareejiyaan dawladda Soomaaliya si dib loogu dhiso, wuxuuse cudur daar u yeelay in markii horeba ay saldhig milatari ka dhigtaan xarun waxbarasho.
”Aad baan uga xumahay in AMISOM ay xarun waxbarsho u badashay mid milatari, balse waxaan idin ka codsanayaa in aad fahantaan xaaladda nagu khasabtay inaan sameyna arrinkaa. Si aan u xureyna caasimadda waxaan ku khasbanayn inaan halkan saldhig ka sameysano”, ayuu yiri Fransisco Madeira.
Cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay ammaanka dhismaha Jaamacadda Gahayr iyadoo ciidamadii Burundi ee halkaas daganaa tobanka Sano ay u guureen magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada AMISOM oo sidoo kale dhawaan banneeyay hoteelkii Curuba ayaa wali saldhig weyn ku leh garoonka qaranka ee ciyaaraha ee Muqdisho stadium inkastoo tiro ka dhawr jeer xiirarka soomaaliyeed ee kubadda cagta uu dalbaday in loo baneeyo haddana taasi ma dhicin.