Beerta nabadu waa Xaafadii isku raran ee laga dumiyey shacabkii milkiyada u lahaa ka dib markii ay u baahatay dowladii dhexe ee dalka
waxaana laga dhigay goob laga raaco gaadiidka dadweynaha PL.ka iyo suuqyo furan oo lagu iibin jirer agabyo kala duwan .
iyada oo taasi jirtay ayaa dabayaaqadii dhicitaankii taliskii milatarigu wuxuu bixiyey qeybo ka mid ah dhulkaas loona sharciyeeyey 40 afartameeyo qof ( 40)
sida ay somalisan u sheegeen qaar ka mid ah milkiilayaasha boosaska dhulka Beerta kuwaas oo sharcigii lahaashiyaha dhulka oo dhemeystiran heysta .
in mudo ah ayey aheyd dhul banaan burburkii ka dib waxaana markii danbe muran Badan ka dib dowladiihii KMG u aqoonsadeen in dhulkaasi yahay dhul ( Danguud )
beerta nabada ama beerta Ganacsiga ayaa markii danbe waxaa maalgashi ku sameeyey Ganacsato Somaliyeed kuwaas oo ka sameeyey goob nasasho oo dhameystiran, waxaana shacabka galaya laga qaadaa lacago xaga galitaanka ah
Maamulka Gobolka banaadir ayaa ku soo rogay amar ah in aan bulshada galeysa laga qaadin wax lacag ah balse maalmo ka dib ayaa laga Noqday
warar hore ayaa sheegaya in ismaandhaafka yimid ka dib markkiiGudoomiyaha Gobolka ilaalada beertu u diideen in uu lacag la.aan ku galo kana dalbadeen in uu bixiyo lacagta galitaanka taasi oo uu ka carooday .
ganacsatada maalgashatay Aas aasida dhulka Beerta nabada oo ah dhul soo maray xaalado kala duwan ayaa galaangal badan oo ay sameeyeen ka dib ay ku guuleysteen in ay dib u hantaan hanaankii maamul ee ay shacabka lacagaha uga qaadi jireen ayna xaliyaan go.aankii gudoomiye taabid ee ka dhanka ahaa dhaqaalaha maalgaliyeyaasha Beerta Nabada .
Gudoomiyaha Maamulka Dowlada ee Gobolka Banaadir ayaa horey Amar Ciidamada Nabadilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ku soo rogay oo ahaa in aysan wadooyinka Muqdisho Qaarkood gaadiidkoodu uusan mari karin ,in Wuxuu soo saaray in Gobolka Banaadir Magaca laga Bedelo ,wuxuuna Noqonayaa Amarkii 3aad ee uu ka laabto,Gudoomiye taabid tan iyo markii la magacaabay isaga oo joogo caro mareykan .