Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay shaqo joojinta ay ka dambeysay, kaddib cabasho ka timid shaqaalaha wasaaradda, xadgudub hanaanka shaqada iyo wado shaqeyn la’aan, iyo arrimo kale oo lagu eedeeyay Xoghayaha Joogtada Mr Yaxye Cali Ibraahim.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda u magacaabay C/llaahi Maxamuud Xasan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha July.
Halkan hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha:
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view