Weli waxaa degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ka taagan xiisadii ka dhalatay Afar qof oo habeen ka hor lagu dilay degmadaas kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab islamarkaana ay ka dambeeyeen falal amnidaro oo horay uga dhacay degmadaas.
Intaasi kadib waxaa Balad xaawo gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland kuwaas oo aad uga xumaaday dilka Afarta dhalinyarada ah.
Masuuliyinta Maamulka Jubbaland ayaa Xabsiga dhigay Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo Madaxa Arimaha Bulshada degmadaas iyo taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Gedo,kuwaas oo ka dambeeyay amarka lagu dilay ragga Shabaabka lagu eedeeyay.
Ehelada Dhalinyaradii la dilay ayaa waxa ay sheegeen in sixaqdaro ah loo dilay islamarkaana ay doonayaan in Cadaalada lamarsiiyo dadkii ka dambeeyay dilkaas,inkastoo Madaxda jubbaland ay sheegayaan in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view