Dagaal Mudo Kooban xabado nuucyada kala duwan ay isku ridayeen Ciidamo ka wada tirsan ku dowlada ayaa ka dhacay goob lagu baaro gaadiidka oo ku taal inta u dhaxeysa isgoyska Ceelgaab iyo afaafka hore ee Madaxtooyada .
waxaana ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamada milatariga ee Barta ilaalada joogay halka laba kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ka wada tirsan ciidamada ilaalada ka ahaa jeeg boontiga .
askariga dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Cali ceelbaare
iska horimaadka ayaa ka dhashay ka dib xubno ka tirsan ciidamada xasilinta ay soo gaareen halka gaadiidka lagu baaro kuwaas oo laga codsaday si loo aqoonsado in ay wajiyada furaan muran ka dibna waxaa bilaabatay risaasta oo argagax galisay dadka marayey goobaha u dhow iyo gudaha Madaxtooyada oo laga maqlayey .
ciidamo gurmad ah oo ka soo baxay madaxtooyada oo soo gaaray goobta ayaa qaaday askariga meydkisia waxaana sidoo kale ay horey u kaxeysteen gaadiidkii cabdi bilayaasha ahaa ee ay wateen ciidamada xasilinta ee dagaalka qeybta ka ahaa .
dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey ka dib markii ciidamada falka dilka ah geystay ay isaga dageen gaadiidkii ay saarnaayeen ka dibna ay dadkooda dhinac ka raaceen .
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view