Home Afsomali Gaashaanle sare Ciise jiijiile oo lagu dilay meel aan ka fogeyn qasriga...

Gaashaanle sare Ciise jiijiile oo lagu dilay meel aan ka fogeyn qasriga madaxtooyada Muqdisho

waxaa xagagaarka Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir hadana ahaa sargaal sare oo katirsanaa ciidankaasi Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile).
Sida aan Wararka ku helnay Ciise Jiijiile gaari uu la socday waxaa rasaas ku furay ciidamo la sheegay in katirsan yihiin milatariga Soomaaliya, lamana oga in ciidanka yihiin kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo in ciidamo kale yihiin.

Waxaa goobtaasi ku geeriyooday Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo qaar kamid ah ilaaladii la socotay, waxaana meydka taliyaha la geeyay Xarunta dambi baarista CID ee magaalada Muqdisho.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan sida uu u dhacay weerarkan goordhaw lagu dilay sargaalkan katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Sargaalka la dilay Ciise Jiijiile ayaa ahaa Taliye kuxigeenkii ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir xiligii uu taliyaha Nabad sugida ahaa Jeneraal Gaafow, waxa uu sidoo kale horey usoo noqday taliyaha ciidanka Nabad sugida degmooyinka Dayniile iyo Howl-Wadaag.

Ciise Jiijiile ayaan mudooyinkan ku dhax jirin shaqada ciidanka dowlada gaar ahaan Nabad sugida sida eheladiisa moo sheegeen, waxaana sargaalkan la sheegay in dhoorkii bil ee lasoo dhaafay uu la jiifay xanuun hayay dhawaana uu kasoo bogsaday.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.