
Hadaba maadaama uu baarlamaanku hore kalsoonidii ugala noqday golihii wasiirada mid cusubna aanan weli la soo dhisin, sharcigu ma ogolyahay in ay wasiiradii hore baarlamaanka horkeenaan heshiisyo dawladdu gashay? Faa’iido intee leeg ayaa se ugu jirta dadka Puntland heshiiskaasi?
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay heshiis ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, wadada Garowe iyo Eyl oo ay fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC.
Madaxweynaha Puntland ayaa horaantii sanadkan waxaa uu heshiis Dekeda Boosaaso kula wareegayaan uu la soo galay Shirkadda DP World, heshiiskan ayaa dhigaya in muddo 30 sano ah ay dekeda Boosaaso maamusho shirkadd DP World, Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qiimo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan milyan oo dollar, wajiga labaadna 200 milyan Doolar.
Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaannu waydiinnay Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax (Shiike) oo ka tirsan baarlamanka Puntland oo u warramay Saxaafada
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view