Sida aan warar kala duwan ku heleeyno waxaa jira qorshe ay ganacsato Soomaaliyeed dib u gu howl gali rabaan diyaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Somali Airline oo burburkii Soomaaliya howl gab baahsan ku yimid.
Qorshahaan oo si hoose loo wado ayaa durbaba nux nuxda hadalka waxaa dhegaha uwada taagaya Ethiopia Airline & Kenya Airline oo iyagu daqliga ugu badan kasoo galo rakaabka Soomaalida ee daafaha dunida iskaga kala gooshaya.
Waxaana ay dowladahaani ku buxiniyaan qarashaad fara badan si aysan danaha qaranka soomaaliyeed horusocod u yeelan koodana uusan ku imaan dhicisoobid sida ay iyagu aaminsanyihiin.
Soomaalida waxaa dagaal lagula jiraa dhinac kasto si wadanku uusan u noqon mid kala socda ganacsiyadiisa iyadoona la hubo in ay Soomaalidu yihiin dad u furfuran ganacsiga waana mida keentay in loo diidaa isku filnaasho heer sare gaara.
Xog badan oo ku saabsan dib usoo nooleeynta hantidii qaraanka Soomaaliyeed ayaan weli ku raad joognaa waxaadna wararkeena xiga kula socon doontaa xogta oo faahfaahsan haduu alle idmo.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view