Home Afsomali Dhageyso Burhaan Aadan Cabdi oo sheegay cida iska leh makiinada lagu daabaco...

Dhageyso Burhaan Aadan Cabdi oo sheegay cida iska leh makiinada lagu daabaco lacagta Maamulka Puntland suuqyada galiyey

Burhaan Aadan Cabdi oo ka mid ah golaha wakiilada Maamulka Puntland oo warbaahinta deeganada maamulkaas la hadlay ayaa ku eedeeyay madaxda Maamulkaas in ay ka dambeeyaan sicir bararka ka jira Puntland.

 Waxaa uu sheegay lacago cusub oo ka imaanaya waqooyiga Soomaaliya(Somaliland) , koonfurta Soomaaliya iyo makiinadda lacagta daabacda inay qayb ka tahay sicir bararka ka jira deegaanada Maamulka Puntland .

Waxaa uu sheegay ka hor inta uu madaxwaynaha Puntland daabicin lacagta cusub doolarka inuu ahaa halkii doolar labaatan kun oo shilin Soomaali ah , hadana uu gaaray 30-kun oo shilin Soomaali ah.

Sidoo kale  Xildhibaan Burhaan Aadan Cabdi ayaa sheegay makiinadda lacagta daabacda inay share ku yihiin ama wadaagaan madaxwaynaha iyo guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid.

“Lacag faaliso baa la sameeyey , doolarkii baa cirka galay 20 iyo 22 buu marayay , dadka reer miyiga iyo kuwa hooseba waa noolaayeenmaalinbaa makiinad la keenay oo faalso ah , kadibna Muqdisho iyo Waqooyiga waa kasoo gashay , dhibaato baa dhacday oo sicir barar ah,waxaa ka dambeeya dadka been abuurka sameeyay , madaxwaynaha iyo guddoonka baarlamaanka ayaa masuul ka ah oo share ka ah”, ayuu yiri xildhibaan Burhaan.

Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa maanta hakad ku jiray iyadoo qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinkaasi maanta aan la qaadan lacagihii duugga ahaa ee horay looga soo diiday koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo,Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku amray Ciidamada in ay koontoroolada laga soo gala degmooyinka Gobolka Bari in ay qabtaan lacagaha shilinka Soomaaliga ee qaarkood laga keeno koonfurta Soomaliya ee Falsada ah..

Waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqa Ganacsatda Maamulka Puntland gaar ahaan gobolka Bari ku sugan in ay la socon doonaan,hadii ay diidaan lacagtana talaabo laga qaadi doono.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hadii lacaghtaas la arko cidii heysa ama soo gelisa Gobolka Bari ay Ganaax mutesan doonto,islamarkaana lacagtaas dab laqabadsiin doono sida uu hadalka u dhigay.

 

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicuun waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhaman qoyska reer  xaaji Maxamud farax (xaaji waasac)walaal key gar ahaan c/qadir alwasac oo wiilkiisa xasan c/qadir uu bada Ku geeriyoday waxan alla uga baryaa naxiirstiii jano in illahsiiyo js janutul firdowsa in alla ugu bishareyo

Dhanka kale wararka ay somalisan.com ka heleyso dagmada kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xeebta dagmadaasi lagu arkey meydka wiil dhalinyaro ahaa oo badu qaaday kana mid ahaa sida la qayaasayo wiilasha bada u dabaasha taga .

sida uu saxaafada u sheegay taliye ku xigeenka saldhiga bolice-ka dagmada kaaraan Xuseen Badmaceeye in wiilka meydka ah da.diisa lagu qiyaasasay ilaa 20 jir kaasi oo badu ku soo tufta agagaarka kawaan bari isla markaana aan waji ahaan la aqoosan karin jir ahaana isbedelay .

ma aha markii ugu horeysay oo ay badu soo tufto dad ay qaaday waxaana dhacda in ay dhalinyaro badan sidaan oo kale ugu geeriyoodaan biyaha bada ka dibna xeebaha lagu arko meydad soo caariyey oo miyaha guud kooda sabeynaya ka dib marka ay qaado badu saacado ka dib

Sidoo kale Waxaa saakay Xeebta sagunta liido ee agagaarka Hotel Curuba ee Magaalada Muqdisho lagu arkay wiil yar kaasoo ay baddu qaaday shalay gelinkii dabe, kadib markii uu badda u galay wiilkaasi inuu ku dabaasho.

Meydka wiilkaasi markii la arkay yaa waxaa qaatay ehalada wiilkaasi dhintay kaasoo qoyska uu ka soo jeeda daganaayeen Degmada Shangaani, iyadoo Gudoomiyaha degmada Shangaani Ibraahin Maxamed Muqtaar Babaay oo saaka ka hadlayay meydkaani baddu soo tuftay uu sheegay in badda ay wali ku maqan yihiin 2- wiil oo kale, kuwaasoo isku mar ay baddu qadaay shalay galab.

“Dooman ayaan u dirnay si ay u soo helaan labada wiil ee Baddu qaaday raq iyo ruuxba” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Shangaani Ibraahin Babaay oo sidoo kale sheegay in wiilka ay saaka baddu soo tuftay jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo muujinaya in bahalada badda cuneen wiilkaasi.

Caruurta Soomaaliyeed ee Baddu qaado ayaa inta badan waxay sababsadaan iyagoo aan aqoon fiican u lahayn badda iyo mowjadaha hiraraka Badda oo mar mar sidii caruurtu ku ogaayeen wax iska badalaan taasoo keeni karta dhimashada caruur badan oo aqoon u lahayn ku dabaalashada Badda .

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.