Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Sooomaliya in ay wada-hadal la gasho dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jiro.
Xildhibaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada-hadal uu dhexmaro Dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab si buu yiri dadka Soomaliyeed ay u halaan nabad waarta.
“Waxaa Muhiim ah in wada-hadal lala galo Al-shabaab, sida la sheegay waxaa Soomaliya marka la gaaro sanadka 2021-ka ka baxaya Ciidamada AMISOM, Al-shabaab waxa ay qorshaynayaan in ay la wareegaan goobaha ay AMISOM ka baxayaan si taasi loogu hortago waxaa muhiim ah in wada-hadal lala galo Al-shabaab”, ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay kadib dhowr jeer ku celceliyay in Dowladiisa ay wada-hadal la gali doonto Al-shabaab si dadka Soomaliyeed ay nabad u helaan.
dhanka kale Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii ay miino la qaraxday gaari ay saarnaayeen oo maraayay degaanka Nyongoro oo udhaxeya wadada isku xirta magaalooyinka Garsen iyo Lamu ee dalka Keynya.
Waxaana looga shakisan yahay in ay miinadaa ay dhulka ku aaseen ururka Ururka shabaab ee ka dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxa howlgalada amaanka degaanka Linda Boni Joseph Kanyiri ayaa xaqiijiyay in uu weerarkaa miino uu dhacay xilli ay ciidamada amaanka ay howlgalo ka wadeen degaankaasi.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view