Masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabi Maxamed ayaa ka qeybgalay Munaasabad loogu magacdaray Daafurka maareynta Maaliyada dad Weynaha.
Hadal dheer ee uu goobta shirka ka jeediyay gudoomiye Thaabit ayaa waxaa ka mid ahaa in Miisaaniyada dowladda in uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ogaan karaan dhaqaalaha guud ee dowladda ka soo gala dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in 260 Milyan oo dollar ay gobolka Banaadir ka soo gasho dowladd,islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir ay kaga soo aadan 16 Milyan taasna ay ka dhigan tahay in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixiyo Miisaaniyada dowldda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Thaabit
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku yaallaan TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa ka hadlay arrio badan oo la xiriira xaalada dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
hal darajo dallacsiiyay G/Dhexe Abshir Xaashi Cali oo ilaaliyey kaydka Radio Muqdisho. Kaydkaas waxaa yaalla khudbado, barnaamijyo iyo suugaan ka baxday Raadiyaha taniyo markii la aasaasay.
Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay tahay oo uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta uu soo booqdo, isagoo xusay in sanadkii 2011-kii uu yimid, xilli uu ahaa Ra’iisul Wasaare, xilligaas oo la howl geliyay Telefishinka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ugu hambalyeeyay ansixinta Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xildhibaanada sharcigan mudo dheer la horkeenayay ayna diidanaayeen, balse maanta ugu dambeyn ay ansixiyeen.
“Anagoo waqti kooban joognay, in Baarlamaanka Golaha Shacabka sharcigan la horgeeyay ayna ansixiyaan, waxa ay ka mid tahay guulaha iyo hormarka ay gaartay xukuumadda, waxaan rajeynayaa Aqalka Sare iyaguna in ay ansixiyaan”. Ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo oo soo hadal qaaday arrimaha amniga ayaa sheegay Dowladda in loo wakiishaday arrimaha amniga lagana rabo in Ciidamada ay abaabusho, Ciidamada baahidoodana ay meel saarto, hadii ay ahaan lahaayeen Mushaaraadka iyo waxybaaha kale ee ay u baahan yihiin.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay Dowladda u soo sheegaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab, si looga hortago dadka masaakinta ah ee dhibaatada loo geysanayo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Dr. Maxameed Jaamac Salaad iyo Wariye Aadan Kismaayo oo labaduba buslahada Soomaaliyeed qiimo weyn ku lahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku yaallaan TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka.
Mudane Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay tahay oo uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta uu soo booqdo, isagoo xusay in sanadkii 2011-kii uu yimid, xilli uu ahaa Ra’iisul Wasaare, xilligaas oo la howl geliyay Telefishinka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ugu hambalyeeyay ansixinta Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xildhibaanada sharcigan mudo dheer la horkeenayay ayna diidanaayeen, balse maanta ugu dambeyn ay ansixiyeen.
“Anagoo waqti kooban joognay, in Baarlamaanka Golaha Shacabka sharcigan la horgeeyay ayna ansixiyaan, waxa ay ka mid tahay guulaha iyo hormarka ay gaartay xukuumadda, waxaan rajeynayaa Aqalka Sare iyaguna in ay ansixiyaan”. Ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo oo soo hadal qaaday arrimaha amniga ayaa sheegay Dowladda in loo wakiishaday arrimaha amniga lagana rabo in Ciidamada ay abaabusho, Ciidamada baahidoodana ay meel saarto, hadii ay ahaan lahaayeen Mushaaraadka iyo waxybaaha kale ee ay u baahan yihiin.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay Dowladda u soo sheegaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab, si looga hortago dadka masaakinta ah ee dhibaatada loo geysanayo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Dr. Maxameed Jaamac Salaad iyo Wariye Axmed Kismaayo oo labaduba buslahada Soomaaliyeed qiimo weyn ku lahaa.
https://youtu.be/MkOqPtIk6Bc
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view