Home Afsomali Dhageyso eheladda Qoyska la dilay waa lagu qaldamay hadii la yiraahdo Alshaab...

Dhageyso eheladda Qoyska la dilay waa lagu qaldamay hadii la yiraahdo Alshaab ayaan moodeenay laakiin hadii la yiri korneylo Shabaab ah ayey ahaayeen ” dadka oo dhan diyaarad ayaa sidaan oo kale loogu leydoonaa”

Maxamed Cabdi Cusmaan oo ka mid ah Ehelada dadkii diyaaradaha dagaalka Maraykanka dhawaan ay dhameeyeen duleedka degmada Jilib ee gobalka Jubada dhexe ayaa  xaqiijiyay in dadkii halkaasi lagu dilay ay ahaayeen Shacab aan waligood ka mid noqonin Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Cusmaan oo ay qaraabo yihiin dadkii ay dileen diyaaradaha dagaalka sidoo kalane ka tirsanaa Xerta Shiikh Axmed yare oo ahaa Aabihii dhalay qoyskii halkaasi lagu dilay ayaa sheegay in shacabkii halkaasi lagu dilay ay ahaayeen Xer faafiya diinta Islaamka islamarkaana ay iyaga naftooda kala dhuuman jireen Al-Shabaab.

Shiikh Axmed Yare iyo 6 ka mid ah qoyskiisa oo ay dileen diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha laheyn ayaa ahaa xer/ Culumo suufi ah oo caan ka ah deegaankaasi waxaana sidoo kale ay ka mid ahaayeen dad tira yar oo Al-shabaab ka baqo oo degmadaasi ku nool.

Dowaladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa hore u sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 7 ka mid ah Al-Shabaab oo ahaa saraakiil sar sare.

Hoos ka dhageyso codka Ehelada.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.