Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay goordhaw ay la wareegeen Deegaanka Xeraale kadib dagaal Saacado Socday oo maanta oo idil Deegaankaasi ka socday.
Dagaalka ayaa Gelinkii dambe ee maanta Xoogeystay sida naloo Sheegay kadib markii Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Ahlu Sunna ay gaareen Duleedka Xeraale oo mudooyinkaan ay isku uruursanayeen, Maleeshiyaadkii Deegaanka ee la dagaalamay Ciidamada Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin Duleedka Xeraale oo ay isku uruursanayaan.
In ka badan 6-qof oo ubadan dhinacyadii Dagaalamaye ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, tiro intaa kabadane wey ku dhaawacmeen sida aynu wararka ku heleyno, Waxaana jiray Madaafiic ku dhacday Deegaanka oo la sheegayo in ay soo ridayeen Ciidamada Ahlu Sunna kahor inta aysan la wareegin.
Dhan kale Odoyaasha Deegaanka Xeraale ayaa sheegay in aysan Jirin wararka sheegaya in Ahlu sunna ay la wareegtay Deegaanka.
Nabadoon C/llaahi Cismaan Cali oo goordhaw ka hadlay dagaalka ayaa Sheegay in Dagaalka uu geystay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac, isla markaana aanan cayimneen, ciidamada deegaanka iyo kuwa ahlu sunna waxa uu tibaaxay in ay hadda ku kula sugan yihiin Deegaanadii Dagaalka saake uu kasoo bilawday.
Waxaa adag in la helo ilo wareedyo labada dhinac ka madax banaan.
https://youtu.be/0XR_sO1gw50
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view