Home Afsomali Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo Bogaadiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo Bogaadiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay. ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirkani soconaya saddexda maalin ka sheegay hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahad-celiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa yiri” Dawladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo bixi doona warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

https://youtu.be/ja2jyKam9BI

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

IMG 0830
IMG 0832
IMG 0836
IMG 0837
IMG 0834
IMG 0835
IMG 0831

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.