Home Afsomali Dhageyso Cabashada Ganacsatada Bagaashka iyo Alabaabada kala daga Berbera oo diiday amarka...

Dhageyso Cabashada Ganacsatada Bagaashka iyo Alabaabada kala daga Berbera oo diiday amarka shirkada DP Word ee la wareegta maamulka Dakada

Ganacsatada ku nool deegaanada Maamulka Soomaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay xiligaan wixii ka dambeeya joojiyeen Ganacsigii kala duwanaa oo ay ka soo degsan jireen dekada Magaalada Berbera.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo kulan yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in sababta ka dambeysa arintaan ay tahay cabasho ay ka qabaan Madaxda shirkadda Dp World oo ay sheegeen in ay ku amartay in ay xirtaan Agab aysan xamili Karin maadaama lagu jiro waqtiga kuleylka,

Ganacsatada ayaa waxa ay Agabkaas ku sheegeen Kobo Waaweyn Koofiyo iyo sidoo kale Agab kale oo loogu talo galay Shaqaalaha Dekada.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Badeecadoodii ay mudo dhowr bil ah ku xayiran tahay dekada Berbera kadib markii ay tegi waayeen Dekada kadib amarkii ka soo baxay Madaxda shirkadda Dp World.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ganacsatada

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.