Home Afsomali Qarax Xoogan oo hada ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xoogan oo hada ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Wehliye oo kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa ayaa ka dhac a meel dad badan joogeen gaar ahaan goobo Shaaha laga cabo oo kuyaala kasoo horjeedka Hotelka Wehliya, waxaana goobtaasi xiliga uu qaraxu dhacayay ku sugnaa dad aad u badan oo shacab ah.

Gaadiidka Aplaasta ayaa goobta soo gaaray kuwaa oo qaadaya dadku ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay qaraxan oo daqiiqado yar kahor dhacay, waxaana wali adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee qaraxan.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.