Home Afsomali Aabaheed ayey dacweysay oo sideed sano oo xabsi ah u galay ka...

Aabaheed ayey dacweysay oo sideed sano oo xabsi ah u galay ka dibna maxaa dhacay

Maxamed Daauud 2008 ayuu mareynkan galay isagoo tahriib iyo silac ku tagay halkaas isla markaana muddo badan ka shaqeenayay dalka mareynkanka.

Kadib caruurtiisa oo somaliya joogeen ayuu soo watay, wuxuuna keenay dalka Itoobiya halkaas ayuu kasii waday wuxuuna geeyay dalka Mareynkanka balse nasiib darro gabadhiis oo dadka ku direen ayaa xabsi geeysay way dacweysay aabaheed waxaana lagu xukumay 8 sanno iyo 3-Bilood oo xabsi ah.

Aabe Maxamed intuu xabsiga kujiray dabaq sadax Biyaano ah ayuu iska soo tuuray isagoo maskaxdiisa aan joogin wuxuuna ka jabay lugaha iyo gacmaha waxaana u sabab u eheed murugadii iyo xanuunkii uu ka qaatay dadka uu sheegay in caruurtiisa ku direen

Aisha iyadoo 12 sanno jir ah ayaa maxkamad la keenay Aabaheed ayay ku marqaati furtay sidaas ayaana Aabaheed xabsi lagu xukumay iyadiina habaarkii Aabaheed ayay la dhimatay kadib markii isdishay isla markaana Baabuur isku dhigtay iyadoo dalka Sweden joogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.