Home Afsomali Aadan Barre oo Wasiir loo magacaabay

Aadan Barre oo Wasiir loo magacaabay

Aadan Barre Du’caale, ayaa madaxweynaha Kenya u magacaabay Wasiirka difaaca waddankaasi.

Hore waxa uu u soo noqday guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, iyadoo sannadkana markale loo doortay xildhibaan Baarlamaan.

Waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga shaqeysay guusha uu doorashada Kenya ka soo hoyiyay madaxweyne William Ruto.

Wasiirka difaaca Kenya ee xilka laga qaaday Monica Juma ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay xilkaasi ku wareejiso Wasiirma cusub ee difaaca dalkaasi Kenya oo laga dhigay mid lamida Soomaalida dalkaasi xilalka ka heysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.