Home Afsomali Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa...

Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqadda ( DAAWO SAWIRADA )

 

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas. Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhalinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummaddda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiicanyihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahanyahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa khubadiisa kusoo hadal qaaday horumarka la gaaray sanadkii iyo barkii xukuummadu jirtay isaga oo hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha dalku kobcay, wax soo saarka guduhu (GDP) horumar sameeyay, awoodda wax iibsigu ay sare u kacay, dawladdu ay ku guuleysatay bixinta mushaarka, sicir bararku hoos u dhacay iyo in xaddiga faqrigu hoos u dhacay.

Waxa uu ra’iisul Wasaare Khayre khudbadiisa ku sheegay inay Muhiim tahay in la helo Ciidan Soomaaliyeed oo Sharafta iyo karaamaha ummadda soo celiya, ka qayb qaata la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo nidaam cadaladeed dhamaystiran, lagu kalsoonaan karo, bulshadana kala haga.

 

b923b4f3-645f-46e8-a4af-38b0e844805c
b2211c9d-b163-4e7f-a234-cef2075ab64e
02dcdbdf-30d4-4622-b53e-deb4e42cae75
af362b05-fe54-4328-ad84-9c890bd5e315
007feb10-0dc0-4b01-9ad8-d89ad4dba7d2
0cc7c968-2a93-46f7-bace-8a985228184a
e6180340-6f2f-4c1f-a906-691ced7c448e

–DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.