Home Afsomali Aamino Cumar Jaamac oo Afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd...

Aamino Cumar Jaamac oo Afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dib loogu doortay

Aamino Cumar Jaamac oo Afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa markale Maanta loo doortay kursigaas.

Aamino Cumar Jaamac ayaa la filayay inay kursiga Hop#202  kula tartanto Musharrax Aamin Cismaan Diiriye, hayeeshee Goobta doorashada ay kaga dhawaaqday inay tanaasushay.

Intaasi kadib Cod gacan tag ah ayaa waxaa Ergada ay ugu codeeyeen Aamino Cumar Jaamac, waxaana ay heshay codadka dhamaan Ergadii wax doorneysay oo aheyd 101 Ergo, waxaana ay noqotay Xildhibaanka labaad ee Maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Waxaa goordhow la guda galayaa doorashada kursiga  Saddexaad ee Golaha Shacabka oo degaan doorashadiisu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaas oo ay ku tartami doonaan dhowr musharrax, iyada oo la bedelay ergada wax dooraneysa si ay Ergo kale goobta u soo galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.