Home Afsomali Abii ayaa ogoleysiiyey in Muuse Biixi yahay Madaxweyne Maamul goboyd ka mid...

Abii ayaa ogoleysiiyey in Muuse Biixi yahay Madaxweyne Maamul goboyd ka mid ah dhul weynaha Somalia

Bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed kadib wada-hadalladaas ayaa lagu yiri “Muuse Biixi, waxa uu aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka”

Warsaxaafadeedka dowlada fd ayaa sisan u qoraa

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

 

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

 

–DHAMMAAD–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.