Home Afsomali Abuu mansuur oo laga saaray liiska musharxiinta u taagan doorashada koofur galbeyd

Abuu mansuur oo laga saaray liiska musharxiinta u taagan doorashada koofur galbeyd

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Maamulkaasi uu goor dhoweyd ku dhawaaqay in musharaxa Mukhtaar Roobow Cali laga reebay liiska Musharixiinta.

Guddiga oo ka hadlayey maalinta koowaad ee khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayay shaaciyeen in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xidhtay.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa musharixiinta buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorshada, isagoo laba jeer la guddoonsiiyey Shahaado musharxnimo, wuxuuna bixiyey lacagta is-diiwaangelinta oo dhan 20,000 Doolar.

Maanta ayaa lagu waday inuu qeyb ka noqdo musharixiinta khudbadda u jeedineysa Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed, iyadoo ay hadda tartanka ku soo hareen shan musharax.

Dowladda Soomaaliya ayaa awood u adeegsaday Sheekh Roobow, wuxuuna hadda u xiran yahay ciidamada amniga dowladda, iyadoo la geeyay magaalada Muqdisho, waxayna arrintan shaqaaqo dad badan ku dhinteen ka dhalisay magaalada Baydhaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.