Home Afsomali Abwaan guure oo ku gabyey ABID LAMA GUMEYSANE HADDA YAAN LA GUMEYN!

Abwaan guure oo ku gabyey ABID LAMA GUMEYSANE HADDA YAAN LA GUMEYN!

Taariikhda guunka ah
Gun haddaad u baartaan
Waayihii gumeystuhu
Gebigood afrikaankiyo
Qabsadeen geyigeena
Ma gumaysan Dadkeena.

Saancaddaha gumeysigu
Markuu xerada soo galay
Koox gabane mooyee
Soomaalida garaawshiyo
Guurti soo dhoweeydiyo
Marna gacalo kama helin.

Quwadihii galbeedkiyo
Gashaan buursigoodii
Inkastooy gantaaliyo
Geesh adag wateenoo
Gaan lagu muquuniyay
Qofna suuqa lama geyn
Afrikaanka lagu gado.

Doqonbaan is giijine
Mana gorodda uma lulin
Guudkooda lama raran
Inta soo gur-guurteen
Gondihiisa mey qaban
Dhabarkooda uma godin
Garbahana ma raaricin.

Isma dhiibin goornaba
Geerida kamey biqin
Inta badan guhaadiyo
Gulufkiyo colaadiyo
Kama harin gilgilashada.

Inkastuu gun iyo baar
Gelinkasta dadweynaha
Kooxba gaar u shiriyoo
Hadba xeel gadiyayoo
Galgashoo is rogayoo
Hadba gebi soo dhacay
Lama gaadin abidkood
Sirta lagu godlaayiyo
Gabraartiisu kama degin.

Garaadkiisa ma aqbalin
Guddoonkiisa ma yeelin
Go,aankiisa ma qaadan
Uma galliimin weligood
Gefna raalli kuma noqon.

Diintooda kama gadan
Kama guurin Dhaqankii
Hiddahooda mey gabin
Afkoodana ma gaasirin
Kiisana dan kama gelin
Garwadeena uma noqon.

Gacan lagu salaamiyo
Garab qabasho daayoo
Gibilkooda ma taaban
Nijaastoodu ma gaarin
Lama yeelan galaangal
Kabahana umey gurin.

Gunnadiisa ma qaadan
Gasiinkiisa ma quudan
Guryihiisa ma seexan
Gogoshana umey dhigin.

Gabdhahooda kuma darin
Mana guursan kuwooda
Gurbood looma xanbaarin
Garacyana umey korin
Kama quusan gobanimo
Gunnimana ma qaayibin.

Marna geba gebeyniyo
Goonyo laga kaxeystiyo
Ceyr lagu ganaaxiyo
Ceel laga Go,doonshiyo
Xabsi lagu garaaciyo
Gumaad kuma jilceynoo
Guusha waan ku siinee
Na gardaadi mey oran.

Inkastoo gumeystuhu
Kumayaal galaaftoo
Hooyo badan gablamiyeen
Haddana geesiyaashii
Kama gabban hubkoodee
Golxob laba aflaa iyo
Gaashaanya waraniyo
Gamuunkiyo ableediyo
Garuunkiyo halgaadeey
Garneylkiyo risaastaba
Uga gacan sareeyeen.

Ismana raad gureynoo
Xogta qaar u geeyoo
Dulmiga garab ku siiyoo
Gelin dhexe Habeenkii
U gur-guurta ma laheyn.

Dadkii jiray guyaalkaas
Cadaw loo gar-gaariyo
Naxariis in loo galo
Gasariirya ceeb iyo
Gaalnimeey u heysteen.

Guul-dareystayaashii
Inkastoo guhaad iyo
Godob aan dhamaaniyo
Ciil nagu gunteenoo
Geyigeeni qeybsheen.

Aadmigii gabood fala
Gurrac lagama waayee
Inkastoo shan geesood
Noo kala gureenoo
Afrikaanka gobolkana
Gooni qaar u siiyeen.

Inkastoo gumeystaha
Gacalkeena kala jaray
Halis nagu gudbeenoo
Soodinteey ka guureen
Gocashaan dhamaaniyo
Weli gubata qiiqdoo
Dabkii gurracu sii shiday
Marba gees ka soo huro
Qofna suuqa lama geyn
Afrikaanka lagu gado.

inkastoo la garaneyn
Gugii cadawgu soo galay
Bulshadii gadoodaye
Saancaddaha giriiftee
Gafanaha ka dhiidhiday
Galti aan waxbaranoo
Guunyada ku dhaqantoo
Dhirta mira ka guratiyo
Geel-jire ahaayeen.

Haddana gaari faras iyo
Gaadiid ma noqonoo
Sidii gibil madoowbaha
Inta xarig ku giijeen
Gaadihii awoowgeen
Guradiisa lama korin.

Doqoni guul ma keentee
Garasho Eebbe siiyiyo
Maskax gaaxaneysiyo
Damiir aan gureyniyo
Qabkii lagu galladaybaa
Gunnimada u diidoo
Soomaalida gedduu rabay
Kama helin gumeystuhu.

Waalidkeeni go,ay iyo
Goortaas dadkii jiray
Gebigood illaaheey
Guryihii fardowsiyo
Gogol janno ha geeyee
Gute waajib koodiye
Galaba waa dadkeedee
Abid lama Gumeysane
Hadda yaan la Gumeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.