Home Afsomali Abwaan sangub Masuuliyiintii ku durdurisay kuma jirin mid wadaninimo ka muuqatay Ceeb...

Abwaan sangub Masuuliyiintii ku durdurisay kuma jirin mid wadaninimo ka muuqatay Ceeb iyo fadeexo mooyee

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi ciise sangub oo aan bulshada Somaliyeed hobolada fanka waaberi iyo golaha Abwaanada aan ka helin soo dhaweyn .

Nin geeley ah ayaa laga sheegay in uu yiri geelii igu durduriyey kuma jirto hal aan iraahdo ma jabto oo micnaheedu yahay waxba iskuma key dhaamin

Xili aan ku sugnaa Gudaha garoonka aadan cadde isla markaana aan ka mid ah martidii ku sugneyd qofka soo dhaweynta safareyda diyaradaha ku yimaada ayaa indhaheygu si kedis ah ku qabteen abwaanka oo meel agteyda ah la luudinayo waxaana garabka ka haayey xaaskiisa Khadiijo boqran .

Saxmada goobta oo aad u badneyd iima suurta galin in aan sawiro badan ka qaado waxayna markii danbe fadhiisteen kuraasta nasashada rakaabka .

Masuuliyiinta dowlada qeybaheeda kala duwan sida saraakiil ciidan xildhibaanada labada gole wasiiro maamulka Gobolka banaadir iyo ku xigeenadiisa abwaano dhamaan abwaan sangub ma jirin cid ku soo leexatay waxaana ay dhamaantod sii wateen soo dhaweynta masuul ay iska la soo dageen hal diyaarad .

Waxaan maqli jiray soomaalidu nin quraac heysta ayey qadada ugu daraane abwaan sangub oo halkiisii fahdiya ayaa dhamaantooda wada raaceen kolonyo gaadiid ah inkasta oo aan calol xumaaday hadana ma jirn masuul yiraahdo side tahay oo xaalkaaga ka waran abwaan sangubow .

arintaa soo dhaweyn la.aanta ah ayaa ka dhigtay in aan cidi ogeyn in uu haatan ku sugan yahay abwaan sangud gudaha magaalada Muqdisho isaga oo weli laga dareemayo in uu xanuunsan tahay.

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.