Home Afsomali Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay iyo ha loo soo duceeyo dalka...

Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay iyo ha loo soo duceeyo dalka iyo dadka Somaliyeed

Malaayiin qof oo xujey ah ayaa maanta waxay si rasmi ah uga bilaabeen acmaasha xajka magaalooyinka barakeysan ee dalka sacuudiga.

Xajka oo ka mid ah 6 tiir ee Islaamka ayaa waxa sanad walba daafaha caalamka ka soo xajiya muslimiin badan kuwaasoo gaara magaalooyinka Makka iyo Madiina.

Soomaali badan ayaana waxay ka mid yihiin muslimiinta tirada badan ee sanadkan xajinaya kuwaasoo lagu qiyaasay 22 kun, waxayna yimaadeen 45 dal sida ay sheegeen masuuliyiinta sacuudiga.

Dhinaca kale waxaa  culeys xoog leh la saaray adkeynta amniga Xujeyda Muslimiinta ah ee ka qeybqaadanaya Xajka

Waxyaabaha Sanadkan Xajka ku cusub waxaa ka mid ah in tirada dadka Xujeyda ay aad uga badan yihiin sidii hore, waxayna gaarayaan 3 Milyan oo qof, waxaa intaas dheer In la ballaariyay Waddooyinka iyo meelaha muhiimka u ah Xajka isla markaana xarigga laga jaray afar bilood ka hor Xajka.

Ciidamo  ka badan 100,000 kun oo Askari ayaa loo xilsaaray xaqiijinta amniga iyo habsami u socodka Xujeyda Muslimiinta ee Maka iyo Madiina iyo meelaha kale ee muhiimka u ah gudashada acmaasha Xajka.

Waxaa intaas dheer in Ciidanka cirka ee Sucuudiga ay heegan sare ku jiraan iyaga oo ka feejigan in Xuutiyiinta Dalka Yemen ay Sawaariikh la beegsadaan Xujeyda iyaga oo ka eegaya colaadda kala dhaxeysa boqortooyada Sucuudiga.

Waxa kale oo sanadkan Xajka ka cusub kuleylka oo la sheegayo in uu marayo heerkii ugu sarreeyay muddo 35 Sano ah, taasoo iyana qeyb ka ah dhibaatooyinka sanadkan ka jira Xajka, iuadoo laga cabsi qabo isbuurasho ama ciriiri sababa dhimashada dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.