Home Afsomali Adoo is leh Meydkaaga waxaa lagu daboolaa Calanka Qaranka, armaa lagu daboolaa...

Adoo is leh Meydkaaga waxaa lagu daboolaa Calanka Qaranka, armaa lagu daboolaa Calan Qabiil ama…

1-Cabdi yare ayaa Xussein oo deriskiisa ahaa Habeen u keenay Koob Caano ah. Cabdi yare ayaa yiri: Xuseinoow Muddo dheer ayaan Deris aheyn weligaana Caano iima keenin ee Ma Doorshaan ayaa kaaga dhacay Caanaha. Xussein ayaa yiri: Haa, laakin, Kanu ma ahan Doorshaankii dhulka ee Saxarada cuni jiray. Waa mid cusub oo cirka ka soo dhacay oo nadiif ah. Cabdi yare ayaa yiri: Doorshaan waa isku mid, Cirna kama soo dhaco ee dantaada ii sheeg ( F.S: 1aad)

( Xildhibaanoow, waxaad na tiri: Amxaaradanu waa mid cusub, haddiiba Anigu aan wado,mana ahan tii hore ee Gen. Gabre oo kale, Ar Amxaaro ameey isku wada mid tahay? hanoo kala qaadin Amxaaro dantoodii waa isla tii hore)

2-Oday 90 jir ah ayaa u tagay Dhakhtarkiisii isaga oo faraxsan ayuu ku yiri: Gabar 18 jir ah ayaan guursaday Maanta ayeeyna Wiil ii dhashay. Dhakhtarkii ayaa yiri: Hadda ka hor ayaa Tuulo Libaax soo galay, Nin dilaa ahaa ayaa lagu qeyliyay, deg deg ayuu u soo orday, wuxuuna iska soo hilmaamay Qorigiisii. Isaga oo Gacanta hal xabbo oo Moos ah ku wato ayaa Libaaxii ka soo hor baxay, Mooskii ayuu ku taagay. Libaaxii ayaa dhulka ku dhacay isaga oo dhiigayo waana dhintay.

Odaygii ayaa yiri: Taasi ma dhici karto, Qof kale ayaa isaga oo is qarinayo Xabbad ku dhuftay Libaaxa. Dhakhtarkii ayaa yiri: waa Runtaa, Howlaha, Rag waa isku qabtaa Magacana Qof kale ayaa qaato. (F.S: 2aad)

Dib u dhigadda Dacwada Baddu, waxay keenee in Wiil laguu dhalo, magacana aad qaadato, Billawgii guul daro hubaal ah, wax ogoow)

3-Haweeney waayeel ah ayaa odaygeedii dhakhtar u geeysay. Bananka ayeey ku sugtay. Odaygii ayaa dhkhtarkii ku yiri: Datoore, Caafimaadkeeygu waa fiican yahay, meel i Xanuuneena ma jirto. Habeenkii markaan Musqusha aado oo aan Albaabka furo, Duulal qarsoon ayaa Nalka Musqusha ii shido.

Haweeneeydii ayaa Dhakhtarkii ku tiri: Datoore ka waran Xaaladiisa Odaygeyga. Waxa uu ku yiri: Jirahaan waa fiican yahay,waxaansee u maleeynaa in Maskaxda wax u dhiman yihiin. Waxa ey ku tiri: Ballo kugu dhacday, war Naalku kan Musqusha ma ahan, illeeyn Waxa Habeen kasta Qaboojiyaha ku kaadiyo waa Isaga. Qaboojiyaha haddii la furo ayuu Nalkiisu hore iska shidaa (F.S: 3)

4-Nin ayaa Naag ku yiri: waxaan u baahanahay in aan ku naageeysto, wax khibrad ahna uma lihi, oo hore uma guursan, si kalena wax kuma raadin. Waxa ey ku tiri: Duurka aad ee Geed Moqor Duleelo leh raadso, tababar ku soo qaado Godka geedka, Adiga oo khibrad lehna ii soo noqo, waa ballan in aad markaas i naageeysato.

Muddo kadib ayuu soo noqday Ninkii oo khibrad soo qaatay Cowradana ka bararan. Waxa uu Naagtii ku yiri: sii jeeso, Kadibna Dabada ayuu ka haraantiday. Waxa ey ku tiri: Maxaa kugu dhacay? Waxa uu yiri: waaya aragnimo ayaan ku soo qaatay Moqorada geedaha ka daloolo. Waxaan kuu haraantiyay si aan isaga hubinayay in Moqurkaaga Shiniyo ku jirto iyo in kale. ( F.S: 4 & 5aad)

Ar Dadka Kismayo aadoow Moqorada ma iska wada Fiiriseen, Shinida dhalfa Barariska iska hubiya)

5-Nin ayaa Dhakhtar u tagay kuna yiri: Datoore, Shaqo ayaan raadsaday,waana waayay, waxaana la igi yiri: Caqligaaga ayaa badan. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Maskaxda ayaa Bar kaa dhimayaa, 50% waxa uuna ku xiray Qalabkii Hoos u dhiga Caqliga. Kombiyuutarkii ayaa soo qoray Numabaradii oo hoos u sii dhacaya..96, 98, 97, 96. Dhakhtarkii ayaa Xaaskiisii telefon ku soo wacday, Bannaka ayuu u baxay, Sheekadii ayaana ku dheeraatay, waxa uu soo noqday Kombiyuutarkii oo marayo 6,5,4,3. Dhakhtarkii waa naxay, waxa uuna ku fikiray Ninkaani siduu ku Noolaan doonaa Caqli la’aan isaga oo ah Zero Caqli . Qalabkii ayuu ka furay. Ninkii ayaa Telefon u soo dhacay, Nus saac kadib ayuu Ninkii yiri: Datoore, waad mahadsan, “Interview” Imtixaan kooban ah ayaa la iga qaaday, Xil Sare ayaana somaliya la iiga magacaabay. ( F.S: 6aad)

6-Dhakhtar Wadnaha bartay ( Cardio specialist ) ayaa Geeriyooday. Markii la aasayay ayaa Meydkiisii la dhax galiyay,Wadne Ubax ka sameeysan. Dhakhtar kale oo meesha taagnaa oo aan weligii Aas ka qeyb galin ayaa qeyliyay oo yiri: Waxaan ahay Dhakhtar (Gynecologist) ah oo bartay Cudurada Haweenka u gaarka ah, haddii aan dhinto ubaxee Meydkeyga la dhaxgalin doonaa. ( F.S: 7aad)

Adoo is leh Meydkaaga waxaa lagu daboolaa Calanka Qaranka, armaa lagu daboolaa Calan Qabiil ama Calan Maamul Gobaleed) .

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.