Home Afsomali Afgambi ka dhacay Dalka Niger

Afgambi ka dhacay Dalka Niger

Ciidamada Militariga  dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

Dalaka caalamka qaarkood ayaa cambaareeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Bazoum ayaa  lahaa  xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Galbeedka Afrika.

Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha Muslimiinta ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.