Home Afsomali Afhayeenka ciidamada Dowladda Uganda oo u hanjabtay Al-Shabaab Balse laga cabsi qabo...

Afhayeenka ciidamada Dowladda Uganda oo u hanjabtay Al-Shabaab Balse laga cabsi qabo in ay shacab laayaan oo ay ku qabaxaan

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay qaadayso tilaabo ay ku doonayso in ay jawaab uga bixiso dilkii Al-Shabaab ay ku fuliyeen askari ka tirsananaa ciidanka dowladda Uganda ee ka howlgalla Soomaaliya .

Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda oo wareysi siiyay wareyska Daily Monitor ayaa sheegay in ay doonayaan in qaadaan tilaabo ay Al-Shabaab uga aargoosanayaan .

Paddy Ankunda ayaa ugu hanjabay Al-Shabaab in ay arki doonaan cududa iyo sidoo kale Awooda ay leeyihiin ciidanka dowladda Uganda.

Waxaa uu xusay in ay qorsheeyeen weeraro ay ku qaadi doonaan Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka dowladda Uganda ayaa Faahfaahiyay Askarigii ay toogteen Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in Askarigaasi uu ka tirsanaa ciidanka difaaca dowladda Uganda laguna magacaabi jiray Masassa, islamarkaana uu ku lumay dagaalkii Al-Shabaab iyo ciidanka AMISOM ku dhexmaray degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay toogteen Askari u dhashay dowladda Uganda oo ay gacanta ku haayeen muddo ka badan hal sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.