Home Afsomali Afhayeenka golaha Shacabka oo xildhibaanada fasax nabku siiyey

Afhayeenka golaha Shacabka oo xildhibaanada fasax nabku siiyey

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Shalay ayay qorshaha aheyd in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Previous articleTHE KING NOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trademark
Next articleFull VIDEO Musharax Madaxweyne Agoon ah oo 9 sano jir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.