Home Afsomali Afhayeenka golaha wakiilada ee Mareykanka oo la doortay  kadib muran iyo dood ka...

Afhayeenka golaha wakiilada ee Mareykanka oo la doortay  kadib muran iyo dood ka dhalatay .

Mr McCarthy ayaa 15 wareeg ugu dambeyntii ku guuleystay doorashada inkasta oo xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa ay ku badnaayeen baarlamaanka.

Kevin McCarthy, ayaa horey u sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu ugu dambeyntii haysto taageero ku filan oo uu ku guuleysan karo.

Waxa si adag u hor istaagay xubno mayal adag oo xisbigiisa ka tirsanaa.

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka tagnaa ismarin waa la xiriira dadaallada ay xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan guddoomiye cusub.

Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan oo hore ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee xisbigiisa.

Koox ka mid ah garabka midig ee xisbigiisa ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta saddexaad ee codbixinta.Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga ayaa ka dhigay aqalka inay awoodi waayeen inay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

Laga soo bilaabo 1860-kii, markii ururka midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga, aqalka hoose ee Congress-ka ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan afhayeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.