Home Afsomali Afhayeenka Ururka Ganacsatadda Qaadka Kenya oo sheegay in ay somaliya qaad la.aan...

Afhayeenka Ururka Ganacsatadda Qaadka Kenya oo sheegay in ay somaliya qaad la.aan dhigayaan hadii aysan ka laaban difaacida Shiidaalka iyo badooda

Ganacsatadda Kenya oo sheegay inay joojin doonaan Qaadka ay u iib keenaan Somalia, sababo la xiriira Khilaafka Diplomaasiyadeed.

Beeralayda Qaadka ee Kenya ayaa la sheegay inay khasaari doonaan 90% Suuqa Qaadka, haddii aan xal loo helin Khilaafka Diplomaasiyadeed ee  u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa iyagana sheegay inay diyaar u yihiin inay lumiyaan Suuqa Somalia sababo la xiriira Khilaafka Diplomaasiyadeed iyo Canshuuraha Qaadka oo la kordhiyey.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Tiro-koobka ama Istaatisikada  ee dalka Kenya  waxaa uu Qaadka Kenya muhiim u yahay Suuqa Somalia, iyadoo 50 Tan oo Qaad ah maalin kasta loo iib-geeyo Somalia, oo ay ka soo xerooto  in ka badan 100 million oo Shillinka Kenya maalintiiba.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ururka Ganacsatadda Qaadka Kenya, Kimathi Munjuri waxa uu tilmaamay inay caqabado kala kulmayaan Qaadka loo iib geeyo Somalia, iyadoo Maamulka Puntland kordhiyey canshuurta laga qaado Qaadka Kenya, halka Ganacsatadda Muqdisho bilaabeen inay Qaad raqiis ah ka keensadaan dalka Ethiopia.

Sidoo kale, Somalia waxay kaalinta 5-aad kaga jirtaa dalalka Qaadka ugu badan Kenya loo iib-geeyo marka laga soo tago dalalka Uganda, Tanzania, Masar iyo Ruwanda oo loo iib geeyo Qadaka Kenya.

Xogta Wax-dhoofinta ee Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa waxay muujinaysaa in dalka Kenya u iib geeyeen dalka Somalia Badeecad lagu qiimeeyey 6.13 Billion oo Shillinka Kenya bilihii July ilaa November ee sannadkii hore.

Tallabadda ay Ganacsatadda Qaadka ee Kenya ku sheegeen inay joojin doonaan Qaadka ay maalin kasta u iib keenaan Somalia ayaa waxa uu ku soo begemay iyadoo uu Khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhexeeyo Dowladaha Kenya iyo Somalia, iyadoo Dowladda Kenya shuruudo adag ku xirtay si xal Diplomaasiyadeed loogu dhameeyo Khilaafka taagan.

Sidoo kale,  Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Somalia iyo Kenya waxaa laga yaabaa inuu saameeyo Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways oo bishii December ee sannadkii hore dib u soo celisay Duullimaadyadda Tooska ee ay maalin kasta isaga kala gooshto magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.