Home Afsomali AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA QARANKA OO HAMBALYO U DIRAY WARBAAHINTA SOOMAALIYEED

AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA QARANKA OO HAMBALYO U DIRAY WARBAAHINTA SOOMAALIYEED

AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA QARANKA OO HAMBALYO U DIRAY WARBAAHINTA SOOMAALIYEED

*Muqdisho, Jannaayo 21, 2022;* Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa farriin iyo hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku beegan 21 Jannaayo u diray dhammaam Warbaahinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha oo ka warramay muhiimadda ay maalintani tani u leedahay Afkeenna hooyo iyo Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ay tahay maalin aynu dul istaagno doorka Warbaahinteenna kaga aaddan shacabka iyo dalkooda, aynuna xusno una duceyno halyeeyada Xurriyadda hadalka iyo xogsiinta shacabka.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soo maray, iyaga oo naftooda u horay si ay door uga qaataan dowladnimada, horumarinta bulshada, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay mudan yihiin bogaadin iyo duco kuwii naftooda u huray iyaga oo u adeegaya shacabkooda.”

Agaasimaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay mudnaan siisay tayeynta Warbaahinta Soomaaliyeed, iyada oo la dhammeystiray sharcigii hagayey Warbaahinta oo ilaalinaya xuquuqdooda, sugayana waajibaadkooda, sidoo kale na, ay xoojisay tixgelinta kala duwanaanta fikirka iyo aragtiyaha.

*DHAMMAAD*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.