Tiro Hoobiyaal ah ayaa Goor Dhow ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan inta u dhexeysa Gurigii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde iyo Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya.
Goobjooge ku sugan halkaas ayaa sheegay in Saddex kamid ah Hoobiyaasha ay ku soo dhaceen Aaggaas,wuxuuna intaas ku daray in Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada aysan Qarxin.
Ma jirto wax Khasaare ah oo ay sababeen Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada,waxaana aan la ogeyn Jihada laga soo tuuray Hoobiyaasha Maanta soo dhacay.