Home Afsomali Ahlu Sunna waa Cudud Nabadeed oo Jecel Nabiga CSW ( DAAWO SAWIRADA...

Ahlu Sunna waa Cudud Nabadeed oo Jecel Nabiga CSW ( DAAWO SAWIRADA )

Ahlu Sunna waa Cudud Nabadeed oo Jecel Nabiga CSW!

Culumada Ahlu sunna iyo kumanaan ka mid ah shacbiga Somaaliyeef ayaa maanta ku soo bandhigay Magaalada Muqdisho bannaanbax nabadeed oo ay uga soo horjeedeen wadaad la sheegay inuu u gefay Nabi Maxamed CSW!

Dibad-baxayaasha oo wajiyadooda ay ka muuqatey qiiro aad u ballaaran ayaa Kor ugu dhawaaqayay Saliga Nabiga CSW iyo ereyo ay ka mid ahaayen Nabiga Caaye Doonimeyno, Diinta Gate Doonimeyno iyo halku dhigyo kale.

Qaar ka mid ah Culumadaasi oo ka hadlay Fagaaraha Garoonka Eng Yariisow Ex. Banaadir ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Cid walba oo u gefta Nabi Maxamed CSW, waxayna ugu baaqeen Dawladda Federaalka inay ka digtoonaato taageerida Wadaad ay sheegeen inuu meel ug dhacay Diinta Islaamka.

Muxaadarada ay diidan yihiin reer Ahlu sunna ayaa lagu waday inay galabta ka dhacdo Muqdisho hase teshee waxaa la sheegay in dib loo dhigay, lamana oga inay qabsoomi doonto iyo in kale!

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.