Home Afsomali Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka Af-Soomaaliga. (...

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka Af-Soomaaliga. ( DAAWO SAWIRADA )

acedemiya-1
Muxaadarad weyn oo hal-ku-dheggeedu ahaa ‘ Hiilka Afka Hooyo iyo Hurumarinta Aqoonta’ ayna qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso ayaa lagu qabtay 11kii Oktoobar 2016 xarunta  jaamacaddaas.
 Muxaadaraddaas oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa soo jeediyey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaana  ka qaybgalay kana faai’deystey boqollaal ka mid ah ardayda, macallimiinta iyo maamulka jaamacaddaas iyo qaar ka yimid jaamacadaha kale ee  ka hawlgala Magaalada Boosaaso.
Ugu horrayntii munaasabadda waxaa furay Bare Sare Shiikh Cabdullaahi Shiikh Xasan, Guddoomiyaha jaamacadda. Wuxuu ku furay erayo uu si diirran ugu soo dhaweynayey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo booqasho gaaban ku joogey Boosaaso. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in guud ahaan bahda waxbarashada ee Boosaaso gaar ahaanna Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso ay fursad dahabi ah u tahay in uu soo booqdo Dr. Afrax ugana faai’deeyo aqoontiisa ballaaran iyo waaya-aragnimadiisa qaaliga ah. Masuulka Jaamacaddu wuxuu xog-warran kooban ka bixiyey Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso taariikhdeeda iyo waxqbadkeeda, Intaa ka dib wuxuu madasha ku soo dhaweeyey Dr. Afrax.
Qoraa sare Afrax, salaan iyo mahadcelin ka dib wuxuu muxaadaraddiisa si qota dheer ugu falanqeeyey mowduuca kor ku xusan. Wuxuu ka warramay geeddi-socodkii dadaalka taxanaha ah ee loo soo galay daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga geeddi-socodkaas oo uu u qaybiyey afar marxaladood oo kala ah:- xilligii baadi-goobka farta,  xilligii hirgalinta farta iyo horumarinta afka,  xilligii dib u noqodka iyo daalaa-dhaca iyo xilligan u sara-kaca sabata bixinta afka iyo hal-abuurkiisa.
Prof. Afarx oo hadalkiisa sii wata Wuxuu ka warramay dadaalladii dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey afka loogu gurmanayey kuwaas oo ay kaalinta hore kaga jiraan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed. Wuxuu bogaadiyey kaalinta ay arrintaas ka qaateen Madaxweynaha Jabuuti,  Ismaaciil Cumar Geelle iyo Dawladdiisu. Guddoomiyaha AGA wuxuu hoosta ka xarriiqay xarumaha waxbarashada oo jaamacaduhu hormuud u yihiin in uu xil weyn ka saaran yahay daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga, loogana baahan yahay in ay kaalintoodaas xil iska saaraan.
 Madashaasi waxaa isna hadal kooban ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Boosaaso,  qaar ka mid ah ka-qaybgalayaashii ardayda ahaa ayaa iyaguna waxay munaasabadda kaga qayb qaateen dheegag suugaan ah oo si weyn loogu riyaaqay. Ugu dambayntiina waxaa lagu gabagabeeyey su’aalo iyo fikrad-is-weydaarsi,waxayna madashaasi ku soo  idlaatey jawi aad u qurux badan.
acedemiya-3 acedemiya-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.