Home Afsomali Full VIDEO Digniinta ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya

Full VIDEO Digniinta ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya

https://youtu.be/VGiSzef_l9g

Wasaaradda ganacsiga XFS oo Ganacsatada uga digtay in ay la macaamilaan alshabaab

Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa iyadoo fulineysa amarka dowladda ee ku aadan la dagaalanka Alshabaab ee dhanka dhaqaalaha ku amartay dhammaan ganacsatada in aan lala shaqeyn Karin, lala macaamili Karin, islamarkaana wax loo fududeyn Karin, wax dhaqaalo ah loogu yaboobi Karin,

awaamiirtooda loo hoggaansami Karin ee diidan jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay isla markaana uu warbaahinta la wadaagay wasiirka wasaaradaa ganacsiga iyo warshadaha xukuuma soomaliye jariil Cabdirashiid Xaaji cabdi .

Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay in ciddii ku lug yeelata howlaha sare ku xusan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqasan, Sidoo kale, wasaaradda waxay qaadeysaa tallaabooyinkan ay ka mid tahay in lala wareego hantada maguurtada ah sida guryaha iyo hantida kale waxaana ka mid ahaa hadaladiisa .

Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda federaalka ayaa ka dalbatay dhigeedda Cadaaladda iyo Dastuurka in ay shatiyada kala noqoto nootaayooyinka “sida tooska ah ula shaqeeyo argagixisadda”.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Ganacsiga iyo Warshadaha, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo sheegay in ganacsatada ay “si toos ah uga qeyb-qaataan dilka shacabka” ayaa sheegay in dowladda ay la wareegi doonto hantida shirkad kasta oo lagu helo in ay gacan-saar la leeyatay argagixisada lagana laaban doono shatiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.