Home Afsomali S/guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday...

S/guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab Bilowday Afduubshada Qoysaska Ciidamada Macwuusleyda.

S/guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday afduubashada qoysaska ciidanka macwuusleyda ee qeybta ka ah gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

Sababta kooxda ay talaabadaasi u qaaday ayuu ku sheegay iney ka caroodeen in qoysaska ay afduubteen caruurtooda ay hubka qaateen, howlgalka deegaano dhowr ah looga saarayna ay kaalin fir fircoon ku lahaayeen.

Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri S/guuto C/llaahi Cali Caanood.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay Al-shabaab kala wareegeen ku dhawaad 70 deegaan. Magaaladii ugu dambeysay ee weyn ee lagala wareego waxay ahayd degmada Aadan Yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

https://youtu.be/CJGY2tuq0gY

https://youtu.be/uYBPEcYjvV8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.