Home Afsomali Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux

Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux

 

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka Buulaay ee Gobolka Baay waxaa ay ku tooogteen 7 rag ah oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Fagaaraha oo ay ku sugnaayeen Boqolaal Ruux oo ay ku amreen inay kasoo qeyb galaan daawashada toogashada raggaas ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ragga la toogtay ay Magacyadooda kala ahaayeen.

1:- Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag katirsan Al-Shabaab oo la dilay.

2: Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino kusaabsan saraakiil katirsan Al-Shabaab.

3-: Cali Maxamed Madoowe oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar Maamulka Koonfur Galbeed ay kudileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

4: Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

5:- Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.

6: Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

7:- Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhwr jeer sidaan oo kale Fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo dowladaha Caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.