Home Afsomali Al Shabaab oo nuun nirgoog kula kalahay weerar Qaraxyo ku bilowday xero...

Al Shabaab oo nuun nirgoog kula kalahay weerar Qaraxyo ku bilowday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore ee saaka weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha.

Dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya ayaa ka socda deegaanka Ruun-nirgood , waxaana Al Shabaab lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xeradii ciidanka dowladda joogeen.

Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa deegaanka, waxa weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka ruqaan-saday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad u aaday degmada Ruun-nirgood ee dagaalku ka socdo.

Waxii warar ah ee kusoo kordho kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Previous articleMudaaharaadayaasha kenya oo sheegay in ay sii wadayaan baananbaxyad ay dhigayaan
Next articleWadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.