Home Afsomali Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marko C/llaahi...

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marko C/llaahi Waafow.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta Maamulka degmada Marko ee gobolka Sh/hoose kaasoo lagu dilay 11 qof oo uu ku jiray gudoomiyihii degmadaas C/llaahi Waafow.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu beegsaday Waafow uu fuliyey nin waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdullaahi Waafow oo ku magacaawnaa Guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa Waafow ku eedeysay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii dabadhilifyada ahaa ee ciidamada shisheeyaha ah AMISOM kusoo hoggaamiyay degmooyin badan oo katirsan Sh/hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.