Home Afsomali Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii saldhiga Kaxda ...

Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii saldhiga Kaxda DAAWO SAWIRADA

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weeraradii abaabulnaa ee ay labo habeen ka hor ku qaadeen xeryaha ciidanka DFS ee degmooyinka Kaxda iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo labo ka mid ay yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarada, halka labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid la soo weriyay inay ku dhaawacmeen.

Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa wareysi uu bixiyey shaley ku sheegay in weeraradii ay ka geysteen Kaxda iyo Yaaqshiid ay qeyb ka ahaayeen weerarada lagu beegsanayo ciidanka dowlada, isagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan weeraradaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.