Home Afsomali Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogay mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta ee...

Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogay mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgalla dalka

Wararka la helayo  ayaa sheegaya in Xubo katirsan Ururka a Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan.

Af-hayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan  sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay  in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.